Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga Turkiga

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga dalka Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga Turkiga

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga dalka Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta milatari iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.

Kulankan ayaa qayb ka ah xiriirka iskaashi ee labada dal, iyadoo Turkigu uu ka mid yahay dalalka Soomaaliya kala shaqeeya dhinacyada amniga, difaaca iyo dhismaha awoodda ciidamada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments