Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jammhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah ay kulan wadajir ah ku leeyihiin Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kulanka ayaa ah mid xasaasi ah sida wararku ay sheegayaan.
Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan, isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, si ay waajibaadkooda daatuuriga ah ay u gutaan.
Ajandaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa ah ka doodista waxka bedelka iyo ansixinta Dastuurka KMG ah ee dalka.iyadoo xildhibaanada la filayaa inay Maanta sitoos ah u guda galaan ka doodista Dastuurka dalka, kaas oo dhowaan habraaca loo marayo uu ansixiyay Baarlamaanka, taas oo keentay in la furo ka doostiisa iyo waxkavedelka.




From the comments