U bood dhigaalka

Wasaaradda Dastuurka oo ka Jawaabtay Dhaleecaynta Xildhibaannada iyo Ka-gaabsashada Buntilaan ee Latashiyada Dastuurka

​Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soosaartay warsaxaafadeed taariikhdiisu tahay 27ka Janaayo, 2026, kaas oo ay kaga jawaabayso hadallo dhowaan ka soo yeeray qaar ka mid ah xildhibaannada Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka.

Wasaaraddu waxay caddaysay in hannaanka latashiga dadweynaha ee cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah uu u socdo si wadajir ah, iyadoo ay iskaashanayaan Wasaaradda, Guddiga Madaxabannaan (ICRIC), iyo Guddiga Baarlamaanka (OC), iyadoo gacan laga helayo Dawladgoboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

​Qoraalka waxaa lagu xusay in latashiyo ballaaran laga fuliyay dhammaan dawladgoboleedyada dalka, marka laga reebo maamulka Buntilaan oo ka gaabsaday kaqeybgalka hannaankan sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, inkastoo dhawr jeer loo diray codsiyo rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaraddu waxay tilmaantay inaan marnaba la xirin fursadaha kaqeybgalka, iyadoo la adeegsaday madallo dhijitaal ah oo u sahlaya muwaadiniinta gobolladaas inay aragtidooda dhiibtaan, sidoo kalana la casuumay wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Buntilaan si ay qeyb uga noqdaan doodaha.

Ugu danbayn, Wasaaraddu waxay adkaysay in dhammaan tallaabooyinka la qaaday ay yihiin kuwo hufan oo waafaqsan mabaadi’da dastuurka, si loo hubiyo in latashiyada dadweynuhu noqdaan kuwo loo dhan yahay.