Goobjoog

Hay’adaha Dastuurka oo Nuqullo ka mid ah Dastuurka ku Wareejiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Muqdisho — Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Soomaaliya ayaa nuqullo ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, si kor loogu qaado aqoonta…

Hay’adaha Dastuurka oo Nuqullo ka mid ah Dastuurka ku Wareejiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Muqdisho — Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Soomaaliya ayaa nuqullo ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, si kor loogu qaado aqoonta iyo fahamka Dastuurka ee shaqaalaha bankiga.

Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Daauud Daahir Xasan, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka, Saalax Xiirey Kheyre, iyo mas’uuliyiin kale ayaa nuqullada Dastuurka ku wareejiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe, Cali Yaasiin.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dastuurka iyo Bankiga Dhexe, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa aqoonta iyo fahamka shaqaalaha bankiga ee Dastuurka dalka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe, Cali Yaasiin, ayaa xaqiijiyay in nuqullada Dastuurka la gaarsiin doono dhammaan shaqaalaha bankiga, si ay u helaan fursad ay ku bartaan una fahmaan qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu faafinayo aqoonta Dastuurka iyo xoojinta fahamka shaqaalaha hay’adaha dowladda ee ku aaddan Dastuurka dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments