U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Uganda oo ku dhawaaqay natiijooyin horudhac ah

Guddiga Doorashooyinka Uganda ayaa ku dhawaaqay natiijooyin horudhac ah oo ka soo baxay doorashada Madaxweynaha dalka, kaddib markii la tiriyay codadka ka yimid 93.61% goobaha codbixinta guud ahaan Uganda.

Sida uu guddigu sheegay, Madaxweynaha xilka haya Yoweri Kaguta Museveni ayaa helay 7,643,778 cod, taas oo u dhiganta 71.88% codadka la tiriyay ilaa hadda.

Musharraxa ugu weyn ee mucaaradka, Robert Kyagulanyi Ssentamu oo loo yaqaan Bobi Wine, ayaa isna helay 2,601,150 cod, una dhiganta 24.46%.

Musharraxiinta kale ee doorashada ka qaybgalay ayaa si wadajir ah u helay 389,156 cod, taas oo ah 3.66% wadarta guud ee codadka saxda ah ee la tiriyay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in wadarta guud ee codadka la dhiibtay ay ka badan yihiin 10.8 milyan, iyadoo weli la sugayo natiijooyinka kama dambaysta ah ee ka imanaya goobaha yar ee harsan.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid si weyn muhiim ugu ah mustaqbalka Uganda, maadaama ay imaaneyso xilli uu dalku wajahayo caqabado dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ah.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Uganda iyo beesha caalamka ayaa muujinaya rajada ah in natiijooyinka kama dambaysta ah ay horseedi doonaan nabad, midnimo iyo horumar waara oo dalka oo dhan gaara.

Guddiga Doorashooyinka Uganda ayaa sheegay in natiijooyinka kama dambaysta ah lagu dhawaaqi doono marka la dhammeystiro tirinta codadka goobaha harsan, isla markaana ay ku baaqeen in dhammaan dhinacyadu ay muujiyaan deggenaansho iyo ixtiraam sharciyadda doorashada.