Bannaanbax ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka socda garoonka Ciyaaraha Eng Yariisow ee degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeybgalaya inta badan bulshada ku dhaqan caasimadda, si ay taageeyo ugu muujiyaan heshiiska lala galay Turkiga.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Arday iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa ka qeyb-qaadanaya Banaanbaxa, iyagoo wata boorar lagu xardhay erayo lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah.
Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaalada dowladda ku bixineyso, sidii loo ilaalin lahaa kheyraadka dalka iyo madaxbannanidiisa, xilli dowladdu ay qorsheynayso dhismaha iyo tayeynta ciidanka badda Soomaaliya si amniga u hantaan.

















From the comments