Shirweynaha Culimada dacwada Salafiga Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin kale duwan oo ka socda Culimaa’diinka, dowladda iyo qeybaha kaleee bulshada.
Shirka ayuu ujeedkiisu yahay gudashada waajibaadka Diiniga ah ee Culimada ka saaran dalka, dadka iyo Diinta ayadoo loo maraya cadeynta xaqa iyo naseexeenta Bulshada iyo cadeynta mowqifka Culimada Salafiga ee ku aaddan marxaladda dalku marayo.
Shirka ayaa sidoo kale lagu faaqidi doonaa dardar-gelinta arrimaha dacwada iyo dhabbaha bulshada loogu gudbinayo, xoojinta wada hadallada Culimada oo muhiim u ah iska warqabka iyo isku xirnaanta marxaladda hadda uu dalka ku jiro,




From the comments