Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn”.




From the comments