U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Shirweynaha Culimada Soomalaiyeed oo Muqdisho Kusoo Gabagaboobay

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay shir uga socday culumo Soomaaliyeed oo gobollada dalka iyo daafaha dunida ka kala yimid, kuwaas oo sanadkii labaad kulan muhiim ah ku yeeshay magaala madaxda Jamhuuriyadda.

Shirka oo soo gabangaboobay ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, hab fasirka suuban ee diinta isugu jira, islamarkaana dood cilmiyeedyo ay culumada dhiraandhiriyeen ka soo baxay.

Qodobadaas ayaa waxaa kamid ahaa mahadcelin loo jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shir taabba-gelintiisa lagu ammaanay, tacsi loo diray Ehelada caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig oo dhowaan geeriyooday iyo hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Ismaaciil haniyah.

Sidoo kale waxaa war murtiyeedka qeyb ka ahaa in la joojiyo qodobadii ka soo baxay shirkii sanadkii hore, in si wadajir ah looga hortago fara-gelinta shisheeye iyo xadgudubyada madax-bannaanida dalka ka dhanka ah, in magaca Wasaaradda Awqaafta loo badalo “Wasaaradda arrimaha islaamka iyo Awqaafta” in anshax xumada baraha bulshada lala dagaallamo, iyo in dagaall beleedyada dalka ka socda iyo daadinta dhiigga muslimka la joojiyo.

Sidoo kale culumadu waxay soo jeediyeen in la dhammaystiro dhismaha golaha culumada Soomaaliyeed, in dalka laga dhaqan-geliyo hannaan xukun toosan oo shareecada Islaamka waafaqsan, iyo in laga fogaado aragtiyaha xagjirka ah, dadka baraha bulshada isticmaalaahina ay ka fogaadaan aflagaadada, been abuurka, faafinta ceebta dadka iwm.

Shirka oo laga filayay in laga soo saaro go’aamo adag oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaan gebi ahaanba lagu soo hadal qaadin arrintaas, markii laga reebo bogaadin ciidamada loo jeediyay oo keliya.