Kulanka waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, waxaana goobjoog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Guddiga xil.Aweys Hussein Mo’alin iyo Xoghayah Guddiga Xil.Sayid Ali Isak.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa Su.aalo weydiin iyo la xisaabtanka iyo kor-joogteynta wasaarada Arrimaha Dibidda, waxaana halkaas su’aalo kale duwan lagu weydiiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dimaha dibadda uu goobjoog ka ahaa wasiirudowlaha wasaaradda Cali Balcad
Wasiir Dowlaha Wasaarada Mudane Ali Mohamed Omar(Ali Balcad) Ayaa Guddiga ugu warbixiyay habsami usocodka howlaha shaqo ee wasaarada iyo sida ay u shaqeyaan safaaradaha dalalka caalamka aan ku leenahay




From the comments