Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Sudaan uu halis ugu jiro in uu abuuro dhibaatadii ugu darnayd ee macaluul ah, waxaana xaaladdii ugu adkeyd ay ka taagan tahay gobolka Daarfuur oo goob ay colaadaha iyo abaaruhu diloodeen.
Hey’addu waxay haatan sheegaysaa inay ugu dambayn ku guulaysatay in ay cunto gargaar ah oo baahi weyn loo qabay ay geyso gobolka Daarfuur, taasoo noqonaysa gargaarkii ugu horreeyey ee halkaas la geeyo muddo lix bilood ah, gargaarkaan ayaa baahi loo qabay.
Gobolka ayaa illaa iyo hadda waxaa gaaray laba kolonyo oo gaadiid ahi in ay ka soo tallaabeen dhinaca xadka dalka Chad oo ay soo gaadheen gobolka Darfur dabayaaqadii todobaadkii hore, kuwaas oo siday cunto gargaar ah oo loogu talo galay illaa rubuc milyan qof




From the comments