Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda, shirkaan ayaa waxaa dhowaan iclaamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Dib u dhaca shirkaan ku yimid ayaa waxaa lagu sheegay arrimo farsamo, dowladdana ma sheegin xilliga uu furmayo, shirka ayaa lagu waday in looga hadlo arrimo la xiriira dagaalka Al-shabaab, dhameystirka Dastuurka iyo arrimo kale oo masiiri ah, kuwaas oo lagu wado in dhinacyada ay siweyn uga doodaan.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa gabi’ahaan qaadacay ka qeybgalkiisa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeysay ee ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo looga heshiiyay arrimo dhowr oo dalka masiiri u ah.




From the comments