Goobjoog

Maxkamad ku Taalla Kenya oo 200 sano ku Xukuntay Nin Lagu Eedeeyay Dhimashada 191 Qof

Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa Paul Nthenge Mackenzie, oo ahaa wadaad isku magacaabay inuu yahay wacdiye diimeed, ku ridday xukun dhan 200 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada 191 qof, oo ay ku jiraan 190 carruur ah, kuwaas oo lagu dilay dhacdadii kaynta Shakahola ee dalkaas ka dhacday.

Maxkamad ku Taalla Kenya oo 200 sano ku Xukuntay Nin Lagu Eedeeyay Dhimashada 191 Qof

Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa Paul Nthenge Mackenzie, oo ahaa wadaad isku magacaabay inuu yahay wacdiye diimeed, ku ridday xukun dhan 200 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada 191 qof, oo ay ku jiraan 190 carruur ah, kuwaas oo lagu dilay dhacdadii kaynta Shakahola ee dalkaas ka dhacday.

Xukunka oo ay Jimcihii ku dhawaaqday Maxkamadda Sare ee Mombasa, ayaa garsoore Diana Kavedza Mochache ku sheegtay in Mackenzie uu ahaa maskaxdii hoggaaminaysay falalka lagu amray dadkii raacsanaa kaniisaddiisa Good News International Church, kuwaas oo lagu dhiirrigeliyey inay gaajo u dhintaan iyaga iyo carruurtoodaba, iyagoo aaminsanaa inay sidaas ku kulmi doonaan Nabi Ciise.

Mackenzie ayaa lagu xukumay 100 sano oo xabsi ah oo la xiriirta dhimashada dadka gaajada loo dilay, iyo 100 sano oo kale oo ku saabsan dilal loo geystay qaab toos ah oo rabshado wata.

Sidoo kale, 28 qof oo kale oo kiiska kula eedaysnaa ayaa lagu riday xukuno u dhexeeya 10 ilaa 160 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inay door ku lahaayeen falalkaasi, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyey inay dadka ku khasbi jireen soonka, halka kuwo kalena ay gacan ka geysteen qarinista meydadka iyo aasiddooda.

Garsooraha ayaa dilalka ku tilmaamay kuwo si qorshaysan loo fuliyey, iyadoo sheegtay in ciqaabta la riday ay farriin cad u tahay cid kasta oo ku kacda dambiyo noocan oo kale ah, isla markaana aan loo dulqaadan doonin tacaddiyada lagu gumaado dadka iyadoo marmarsiinyo diimeed loo adeegsanayo.

Xeer-ilaalinta Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in Mackenzie lagu xukumo dil toogasho ah, balse garsooruhu wuu diiday, isaga oo sheegay in ciqaabtaasi meesha ka saarayso fursadda uu qofku ugu laaban karo nolol wanaagsan ama dib-u-habayn.

Kiiska Shakahola ayaa soo shaac baxay bishii Abriil 2023, kaddib markii la bilaabay in meydad laga soo saaro qabuuro gacanta lagu qoday oo ku yaalla kaynta Shakahola ee gobolka Kilifi, illaa haddana waxaa deegaankaas laga helay in ka badan 400 oo meyd, inkasta oo dacwadda dilka iyo xukunnada Jimcihii ay khuseeyeen 191 qof.

Baaritaannada la sameeyey ayaa muujiyey in dadka raacsanaa kooxda lagu dhiirrigelin jiray inay ka tanaasulaan cuntada iyo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, iyagoo taas u arkayey waddo ay ku gaari karaan badbaado diimeed.

Dadkii diiday amaradaas ayaa la kulmay garaacis iyo tacaddiyo kale, sida lagu sheegay caddeymaha maxkamadda la horgeeyey, ayadoo
Baaritaannadu meydadka lagu xaqiijiyey in gaajadu ay ahayd sababta ugu weyn ee dhimashada dad badan, halka qaar kalena ay u dhinteen dhaawacyo iyo falal rabshado wata.

Dhacdadan ayaa dhalisay caro xooggan oo ka dhacday Kenya, iyadoo sidoo kale su’aalo laga keenay sida kooxdaasi muddo dheer ugu shaqayn kartay dalka, inkasta oo ay jireen warbixino iyo faragelinno hore oo ay sameeyeen hay’adaha dowladda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments