Goobjoog

Midowga Afrika iyo Saxafiyiinta Afrika oo ku Baaqay in lala Xisaabtamo dadka dhibaateeya wariyeyaasha

Midowga Afrika iyo Xiriirka Saxafiyiinta Afrika (FAJ) ayaa ku baaqay in tallaabooyin adag laga qaado dadka ka dambeeya dilalka, xarigga sharci-darrada ah, handadaadda iyo tacaddiyada kale ee loo geysto wariyeyaasha, iyagoo sheegay in ciqaab-la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiintu ay weli tahay caqabad weyn oo hortaagan xorriyadda saxaafadda qaaradda Afrika.

Midowga Afrika iyo Saxafiyiinta Afrika oo ku Baaqay in lala Xisaabtamo dadka dhibaateeya wariyeyaasha

Midowga Afrika iyo Xiriirka Saxafiyiinta Afrika (FAJ) ayaa ku baaqay in tallaabooyin adag laga qaado dadka ka dambeeya dilalka, xarigga sharci-darrada ah, handadaadda iyo tacaddiyada kale ee loo geysto wariyeyaasha, iyagoo sheegay in ciqaab-la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiintu ay weli tahay caqabad weyn oo hortaagan xorriyadda saxaafadda qaaradda Afrika.

Baaqan ayaa ku soo baxay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Danjire Bankole Adeoye, oo ah Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika, iyo Omar Faruk Osman, Madaxweynaha Xiriirka Saxafiyiinta Afrika, munaasabadda maalinta caalamiga ah ee ciribtirka ciqaab-la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta oo ku beegan 2-da November.

Labada mas’uul ayaa sheegay in saxafiyiinta Afrika ay weli la kulmaan khataro kala duwan oo ay ka mid yihiin dilal, dhaawacyo, afduub, xarig iyo hanjabaado, kuwaas oo qaarkood ay sababaan in wariyeyaashu ka cararaan goobaha ay ka howlgalaan ama ay gebi ahaanba ka tagaan shaqadooda.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen khataraha sii kordhaya ee ka dhasha tiknoolajiyadda casriga ah iyo weerarrada dhanka internet-ka, iyagoo si gaar ah u xusay in haweenka saxafiyiinta ahi ay wajahayaan tacaddiyo iyo cabsi-gelin dheeraad ah oo la xiriira jinsigooda.

Bayaanka ayaa dowladaha Afrika loogu baaqay inay xaqiijiyaan badbaadada wariyeyaasha, sameeyaan baaritaanno madax-bannaan oo hufan marka dambiyo ka dhan ah saxafiyiinta dhacaan, isla markaana maxkamadaha la horgeeyo dadka ku lugta leh falalkaas, si loo soo afjaro dhaqanka ah in dambiyada ka dhanka ah warbaahinta ay ku dhammaadaan ciqaab la’aan.

Midowga Afrika iyo Xiriirka Saxafiyiinta Afrika ayaa sidoo kale ku boorriyay dowladaha inay xoojiyaan shuruucda ilaalinta saxafiyiinta, tababaraan ciidamada amniga, kana fogaadaan adeegsiga sharciyada lagu cabburinayo xorriyadda hadalka iyo shaqada warbaahinta.

Waxay intaas ku dareen in ilaalinta saxafiyiintu aysan ahayn oo keliya waajib saaran dowladaha, balse ay laf-dhabar u tahay dhowrista xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, nabadda iyo helitaanka xog madax-bannaan oo bulshada ay xaqa u leedahay.

Bayaankan ayaa ku soo beegmaya xilli wariyeyaasha qaaradda Afrika iyo guud ahaan dunida ay weli wajahaan khataro kala duwan oo la xiriira gudashada waajibaadkooda shaqo, iyadoo labada dhinac ay ku baaqeen iskaashi ballaaran oo lagu xaqiijinayo in saxafiyiintu si xor ah oo ammaan ah u gutaan shaqadooda, isla markaana aan la iska indho-tirin dambiyada loo geysto.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments