Buug Cusub oo Kashifay Fadeexado Culus oo Ku Gadaaman Xariirka Hoggaanka Imaaraadka, Wiilka uu Sodogga u yahay Trump, iyo Israa’iil

Buug Cusub oo Kashifay Fadeexado Culus oo Ku Gadaaman Xariirka Hoggaanka Imaaraadka, Wiilka uu Sodogga u yahay Trump, iyo Israa’iil

Buug cusub oo uu qoray weriye Mareykan ah ayaa soo bandhigay xogo xasaasi ah oo la xiriira madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed Al Nahyan, xiriirka uu la leeyahay Jared Kushner oo ah wiilka uu soddogga u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo arrimo qarsoodi ah oo la sheegay inay ka dhaceen gudaha qoyska xukuma Imaaraadka.

Buugga oo lagu magacaabo Princes and Thieves: Jared Kushner and Mohamed bin Zayed’s Secret Plot to Remake the Middle East, waxaa qoray Matthew Cole, oo ah weriye muddo dheer ka shaqeynayay baaritaannada iyo dabagalka arrimaha siyaasadda.

Qoraagu wuxuu buuggiisa ku sheegay in Jared Kushner uu xiriir dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aad u dhow la lahaa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka intii uu Donald Trump hayay madaxtinnimada Mareykanka, gaar ahaan muddadii u dhexeysay 2017 iyo 2021.

Eedeymaha ugu waaweyn ee buugga ku jira ayaa ah in Kushner uu helay lacag gaareysa laba bilyan oo doollar oo ka timid dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Lacagtaas waxaa la sheegay inay ku jirtay 750 milyan oo doollar oo lagu hayay bangiga First Abu Dhabi Bank, iyadoo loo marayo hay’ad samafal oo Imaaraati ah oo lagu magacaabo Watani Al Emarat Foundation.

Matthew Cole wuxuu sheegay  in lacagtaas, oo markii hore loogu talagalay barnaamijyo bulsho, loo adeegsaday iibsashada hubka iyo maalgelinta hawlgallo milatari oo qarsoodi ah, balss Kushner ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo jeediyay, halka qoysaska boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka aysan si rasmi ah uga jawaabin sheegashooyinka buugga.

Qoraagu wuxuu sidoo kale gudaha buugga ku soo bandhigay sheekooyin la xiriira loollankii awoodda ee qoyska Al Nahyan, gaar ahaan xiriirkii dhexmaray Maxamed bin Zayed iyo walaalkiis Khaliifa bin Zayed, oo ahaa madaxweynihii Imaaraadka ka hor geeridiisii 2022.

Cole ayaa sheegay in Maxamed bin Zayed uu sannadihii sagaashamaadkii isku dayay inuu walaalkiis Khaliifa ku ceebeyo muuqaal laga duubay xaalad galmo oo gaar ah, kaas oo la sheegay in loo gudbiyay aabbahood, Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan, oo ahaa aasaasihii Imaaraadka, arrintaas oo qayb ka ahayd loollan la xiriiray cidda mustaqbalka hoggaamin doonta dalka.

Buugga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenaya xaaladdii caafimaad ee Khaliifa bin Zayed, kaas oo sannadkii 2014 uu ku dhacay istaroog, wuxuuna qoraagu sheegay in dhibaatooyin caafimaad ay jireen muddo ka hor istaroogga, isagoo ku eedeeyay Maxamed bin Zayed inuu ku lug lahaa daaweyn caafimaad oo walaalkiis ku keentay dhaawac neerfayaasha ah, isla markaana hoos u dhigtay awooddiisa shaqo.

Dhanka kale, buugga ayaa faahfaahin ka bixiyay xiriirkii milatari ee Imaaraadka iyo Israa’iil, isagoo sheegay in iskaashigaasi uu soo bilowday muddo dheer ka hor heshiisyadii Abraham Accords ee la saxiixay sannadkii 2020.

Matthew Cole wuxuu sheegay in Maxamed bin Zayed uu tan iyo sagaashamaadkii xiiseynayay tiknoolajiyadda milatari ee Israa’iil, isla markaana sannadkii 1998 uu ku dadaalay in Imaaraadku iibsado diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo lagu rakibay tiknoolajiyad Israa’iil lagu sameeyay, waxaana Imaaraadku uu xilligaas heshiis ku galay iibka 80 diyaaradood oo noocaas ah, sida uu buuggu xusay.

Qodob kale oo xasaasi ah ayaa la xiriira geeridii abwaankii caanka ahaa ee Imaaraadka, Habib Al Sayegh, kaas oo sannadkii 2019 dhintay, ayadoo uu Qoraagu  sheegay in abwaanka la afduubtay lana jirdilay kaddib markii uu qoray maqaal uu kaga soo horjeeday xiriirka sii xoogeysanayay ee Imaaraadka iyo Israa’iil.

Al Sayegh ayaa bishii Agoosto 2019 qoray maqaal cinwaankiisu ahaa “Israel Is Our Real Enemy and A Dangerous Project”, kaas oo uu ku muujiyay diidmadiisa ku aaddan xiriirka Israa’iil.

Cole wuxuu sheegay in saraakiil amni ay gurigiisa kala baxeen, kaddibna muddo saddex maalmood ah jirdil u geysteen ilaa uu geeriyooday.

Buugga ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qorshe diblomaasiyadeed oo la sheegay inay ka wada shaqeynayeen Maxamed bin Zayed, Jared Kushner iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, kaas oo lagu doonayay in dalalka Khaliijku xiriir rasmi ah la yeeshaan Israa’iil, iyadoo la dhinac marinayo xuquuqda siyaasadeed ee Falastiiniyiinta.

Sida uu qoraagu sheegay, qorshahaasi wuxuu xitaa ka koobnaa in Urdun la dejiyo inta badan saddex milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, taas oo si weyn u beddeli lahayd xaaladda dhulka Falastiin. Qorshahan waa sheegasho uu qoruhu soo bandhigay, mana aha heshiis la xaqiijiyay inuu hirgalay.

Qaybta ugu dambeysa ee buugga ayaa diiradda saaraysa khilaafkii dhexmaray Jared Kushner iyo Tom Barrack, oo ahaa maalgeliyey iyo siyaasi Mareykan ah, haatanna ah safiirka Mareykanka ee Turkiga, sidoo kalena ah ergayga Washington u qaabilsan Ciraaq iyo Suuriya.

Cole wuxuu sheegay in Barrack uu doonayay inuu abuuro qorshe dhaqaale oo dib loogu dhisayo Bariga Dhexe, kaas oo ay maalgelin lahaayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga, balse Kushner uu xaddiday kaalintiisa siyaasadeed, isla markaana uusan doonayn inuu la wadaago xariirkiisa gaarka ah ee hoggaamiyeyaasha Khaliijka.

Labada nin ayaa sidoo kale isku khilaafay go’doomintii Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalal kale ay ku soo rogeen Qatar bishii Juun 2017, waxaana sida buugga lagu sheegay, Barrack iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ay isku dayeen inay Trump ka dhaadhiciyaan inuusan taageerin go’doominta Qatar.

Si kastaba ha ahaatee warbaahinta Middle East Eye oo soo bandhigtay qodobada buugga ayaa sheegtay in xogaha qaarkood ay ku dhisan yihiin ilo aan magacyadooda la shaacin, isla markaana aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhammaan eedeymaha uu qoraagu soo bandhigay.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments