Dibad-baxyo waaweyn oo Falastiin lagu taageerayo ayaa ka dhacay magaalada Barcelona ee dalka Spain, boqolaal qof oo ruxaya calanka falastiin ayaana isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada.
Dibadbaxayaasha ayaa cambaareeyay duqeymaha arxan darrada ah iyo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, iyagoo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo marinka qasa.
Sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen erayo ay Israa’iil ku dhaleecaynayaan, sidoo kalena ay dalalka dunida ugu baaqayaan inay wax ka qabtaan masiibada halkaa ka jirta ee ay dadka rayidka ihi la kulmayaan.




From the comments