Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) .
Labada masuul ayaa iska xaal wareysteen xaaladaha guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka dowladnimo ee dalka.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhibaatooyinka daadadka soo noqnoqday ee roobabka ka dhasha ay u geystaan Shacabka degan dhulka wabiyada ku teedsan iyo meelaha xeebaha u dhow Iyo sidii wax looga qaban lahaa.




From the comments