Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM),Mudane Raisedon Zeneng.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.
Kulanka ayaa lagu faaqiday habab iyo qaab-dhismeed lagu dhisayo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaasoo ka shaqeyn doona hannaanka kala guurka ee la qorsheynayo in lagu gaaro xafiiska Qaramada Midoobay.




From the comments