U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogtada ah oo Kismaayo Ka Dhacay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka qabsoomay magaaladda Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad gobolleedka Jubaland.

Kulanka oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, wuxuuna ajendihiisu ahaa diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhigan shanaad ee Golaha Shacabka.

Ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday qaabka xulista Xildhibaanada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), shuruudaha qofka Baarlamaankaas ka mid noqonaya looga baahanyahay, wadamada ururkaas ka mid ah wadan walba waxa looga baahanyahay Iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo Inuu bixiyo Iyo sidoo kale dhamaan shuruurdaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ansixiyay in la dardar geliyo shuruucdii hore ee qabyada aheyd iyaga oo dhan kale ajandeeyay dhamaan hindise sharciyeedyada cusub ee ay Xukuumadda soo gudbisay.

Kulankan waxa uu ka mid ahaa kulamada banbaxa Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, waana ujeedka safarka Guddoomiyaha Golaha Iyo wafdigiisa ay u yimaadeen magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubaland.