U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir oo Amarro Kasoo Saaray Gaadiidka Taarigo La’aanta Ku Socda

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray ogaysiin bulshada ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda loogu sheegay in maanta ka dib aan la oggolaa doonin gaadiid aan Taarigo laheyn oo maraya waddooyiinka Caasimadda.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska, islamarkaana ay baahisay warbaahinta dowladdu ayaa lagu yiri “Fadlan muwaadin kala shaqey hay’adaha amniga sidii loo sugi lahaa amniga Caasimada oo gaariga ku xiro taariko, si loo garto sumadiisa”.

Gaadiidka Taarigo la’aanta ah ayaa la rumaysan yahay inuu kaalin weyn ka geysto falalka nabad-galyada lid ku ah ee mararka qaar ka dhaca caasimadda, islamarkaana ay dadweynaha dhibaato ka soo gaarto.