Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad ugu xuntahay laba xildhibaan oo ka mid ah Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu yiri war qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay.
Bayaan ayaa sidoo kale lagu yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan.




From the comments