Goobjoog

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Sacad Bin Saliib Al-Cutaybi oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyey guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday, isagoo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay doorashadiisa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyey xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee ka dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay horumarinta wada-shaqaynta labada gole, si loo sii xoojiyo danaha wadajirka ah iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments