Goobjoog

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug

Dhuusamareeb, 5 Nofeembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug

Dhuusamareeb, 5 Nofeembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa munaasabadda kala qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa lagu caleema-saaray Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liiban Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah munaasabadaha lagu muujinayo taageerada hay’adaha dowladda federaalka ee hoggaanka cusub ee Galmudug iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dowlad-goboleedyada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments