JABUUTI (GOOBJOOG NEWS) – 2 Nofeembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad uu ku tilmaamay mid taariikhi ah ka jeediyey Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogo dalkaas.
Guddoomiye Jaamac oo khudbaddiisa ku hadlayey magaca shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti, isaga oo xusay in labada dal ay ka dhexeeyaan walaaltinimo ku dhisan dhiig, dhalasho, af, dhaqan iyo taariikh wadaag.
Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba illoobi doonin taageerada joogtada ah ee Jabuuti ay la garab taagnayd Soomaaliya, gaar ahaan doorkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku lahaa dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, shirkii nabadda ee Carta iyo dib-u-dhiska dowladnimada dalka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey mowqifka Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay kaalinta ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ay ka qaateen nabadeynta iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya.
Guddoomiye Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyey in kaalintii ay Jabuuti ka qaadatay garab istaagga Soomaaliya ay tahay mid aan ka go’i doonin xusuusta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana jiilba jiil loo gudbin doono.
Dhanka kale, waxa uu muhiimad gaar ah siiyey xoojinta xiriirka labada baarlamaan, is-weydaarsiga khibradaha, horumarinta hay’adaha sharci-dejinta iyo ballaarinta diblomaasiyadda baarlamaaniga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya iyo Jabuuti aysan ahayn oo keliya laba dal oo deris ah, balse ay yihiin laba dal oo walaalo ah, mataano ah, isla markaana wadaaga dhiig, dhalasho iyo taariikh.
From the comments