Kulan ay goor dhow yeesheen Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa lagu ansixiyay wax ka bedelka qaar ka mid ah qodobada muhiimka ah ee Dastuurka Jubbaland.
Mid ka mid ah qodobada muhiimka ah ee wax ka bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.
Qodobka 65aad ayaa loo guuray waxaana laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.




From the comments