U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Federalka iyo Jubbaland oo Shir Ka Yeeshay Dagaalkii Ka Dhacay Degmada Luuq

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan iyo wafdi uu oo ay qayb ka yihiin wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka iyo isbedalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahmed Cumar Maxamed, wasiir ku xigeenka wasarada shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismaan Libaax, xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaala ah oo dirir dhexmartay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan ee ku nool Degmada Luuq

Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soocelin Lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada kunool degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo Nabada islamarkaana laga sii anba qaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ee dirirty dhex martay.

Beelahan ayaa dhowaan waxaa dhex maray dagaal ba’an oo galaaftay nolosha dad badan, islamarkaana guryo lagu gubay, ka dib markii laba tol oo halkaas wada deggan ay xiisadi ka dhex qaraxday.