U bood dhigaalka

Wasiirka Beeraha iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirada Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Isaaq Cali Subag, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda Kumeel gaarka ee Dowlad Goboleedka KGS,

Wasiirada iyo wafdigooda waxaa airport-ka magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyeen Wasiir Wasaaradda Cadaaladda KGS Mudane Cabdulkhaadir Yuusuf Cabdinuur, Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdulkhaadir Cumar Cabdullahi Baasto, Wasiirka Deegaanka Isbadalka Cimilada Mudane Diini Cabdinuur Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Isaaq Ibraahim Mr Baay,

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, iyo Maayarka Dagmada Baydhabo Candullahi Watiin, Ujeedka socdaalka Wasiirka Iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa ah xoojinta tacbashada beeraha iyo la qabsiga isbedelka cimilada.