U bood dhigaalka

Wasiirka Beeraha oo Ka Warbixiyay Safarka uu Ku Tagay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku jooga deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayagoo kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda maamulkaas.

Wasiirka oo kormeeray beer dalagyo badani ku shaqlanyihiin oo laga hirgeliyay duleedka baydhabo ayaa ujeedada socdaalkiisa Koonfur Galbeed warbaahinta la wadaagay, asagoo sheegay inay halkaas u tageen sidii ay u dhiirigelin lahaayeen xoojinta tacbashada beeraha.

Sidoo kale wuxuu Bogaadinayay waaxda Badbaadada Dhirta iyo Cilmi baarista iyo hay’ado Wasaaradda wada shaqayn la leh asagoo ku ammaanay inay ku dhiiradeen saarista dalagyo caafimaad qaba, tayo leh, oo wakhti kooban ku baxa, kuwaas oo ay tusaale u tahay beerta uu booqday.

Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa horay u booqday deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa inay meelo kalena tagi doonaan, ayagoo u kuurgalaya caqabadaha beeralayda haysta, islamarkaana dhiirigelinaya tabcashada.