Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulanka 2-aad ee Kalfadhiga 5-aad, iyagoo ka doodaya dhismaha hay’adaha madaxa bannaan ee aan miisaaniyadda lahayn.
Kulanka oo uu shirgudooominaya guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe), ayaa sidoo kale, waxaa looga hadlayaa hindise-sharciyeedyada kala ah maalgashiga iyo shaqada Soomaaliyeed.
Maanta ayaa sidoo kale kulanka waxaa lagu wadaa in lagu ansixiyo Hindise Shaciyeedyo kasoo gudbay golaha Wasiirrada, xildhibaannada ayaa dood adag ka yeelan doono qaarkood, kumada golaha ayaa hore laba jeer dib ugu dhacay Kooram la’aan.





From the comments