Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabku ay carqaladaynayaan, islamarkaana ay ku cayaarayaan shaqada golaha.
Guddoomiyaha ayaa xusay in mudaneyaal magaalada Muqdisho ku sugani ay caadaysdeen inay fadhiyada golaha ka maqnaadaan, ayagoo caafimaad qaba, cudurdaarna aan lahayn, taas oo mararka qaar keenta in tirada loo baahanyahay markii xeer la ansixinayo ama arrin laga doodayo ay buuxsami wayso.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa ku hanjabay in xildhibaanadaas magacyadooda uu yeerin doono, islamarkaana tillaabada xeer hoosaadka goluhu qabo laga qaadi doono wuxii hadda ka dambeeya.




From the comments