U bood dhigaalka

Shirka Laamaha Cadaaladda oo Maalintii 4-aad Ka Socda Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda goboleedka Jubbaland waxaa 4 maalmood ee la soo dhaafay shir ku lahaa madaxda laamaha garsoorka dalka oo isugu jira wasiirka caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad gobolleedyada, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, iyo Saraakiisha Booliska.

Ujeedada shirka ayaa ahayd sidii ay laamaha garsoorka heerarkooda kala duwani u wada shaqayn lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen si loo helo adeeg cadaaladeed oo mideysan, loona gaaro yoolka fog ee laga leeyahay garsoorka dalka.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in shirku ahaa kii ugu horreeyay ee ay dhammaan dhinacyadu isugu yimaadaan, islamarkaana looga hadlay qodobo wax ku oo ah oo hormarinta adeegyada garsoorka ku saabsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laamaha Caddaaladda dalku ay markii hore u kala qeybsanaayeen hay’ado iyo waaxyo aan aragti mideysan iyo qorshe wadajir ah midna lahayn, balse hadda lagu heshiiyay in laga dhigo gole isku xiran oo wada shaqeyn toos ah leh.

Hannaanka garsoorka dalka oo kamida 3-da tiir ee ugu muhiimsan nadaamka dowladnimada ayaa hadda ku jira hab dib u soo kabasho ah, waxaana sii xoogaysanaya madax-bannaanidiisa iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan.