Waa Xadgudub Dastuuri ah in Wasiirka Caafimaadku Diido Go’aanka Maxkamadda Sare
Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa 27dii Nofeenbar 2025 soo saartay xukun maxkamadeed oo waafaqsan xeerarka dhaqangalka ah oo ay ugu horreeyaan Xeerka Nidaamka Garsoorka ee 1962dii iyo Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Lr.31 ee soo baxay 16dii Nofeenbar 2020kii.
Maxkamaddu waxay go’aamisay in (1) Goluhu uu madaxbannaan yahay, uuna leeyahay shakhsiyad qaanuuni (legal personality) oo uu ku gudan karo waajibaadkiisa, kuna maamuli karo arrimihiisa oo ay ka mid yihiin magacaabista xoghayaha guud iyo doorashada guddoonkiisa. (2) Wasiirku wuxuu isticmaalay awood uu sharcigu si gaar ah u siiyay Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, uuna ku xadgudbay sharciga kor ku xusan. (3) Sidaas daraadeed, Wasiirka waxaa la faray in uu u hoggaansamo xukunka Maxkamadda Sare isaga oo qaadaya ta;laabooyin uu ku saxayo xadgudubka uu galay.
Haddaba, Wasiirka waxaa sharci ahaan waajib ku ah in uu sameeyo arrimaha soo socda, si uu ugu hoggaansamo go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka:
(1) In uu soo saaro warqad uu ku caddaynayo, isla markaasna ku burrinaayo go’aankii uu ku magacaabay Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, isaga oo caddaynaya in go’aanka Maxkamadda Sare uu jebiyay oo uu joojiyay dhammaan tallaabooyinkii maamul ee ka dhashay go’aankiisa sharcidarrada ahaa.
(2) In uu si rasmi ah ugu wargeliyo Golaha in uu u hoggaansamay xukunka Maxkamadda, ayna xaq u leeyihiin in ay iyagu magacowdaan xoghayaha guud.
(3) In uu Golaha u daayo awoodaha uu sharcigu siiyay, sida magacaabista hawlwadeennadiisa, doorashada guddoonkiisa, arrimihiisa maamulka iyo maaliyadda, iyo hawlaha uu sharcigu u xilsaaray, isaga oo ku jihaynaya Wasaaradda Caafimaadka in Goluhu madaxbannaan yahay, ayna sidaasi ula dhaqanto.
(4) In Wasiirku uu ku koobnaado kaalinta Wasaaradda si waafaqsan Sharciga Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka, isaga oo soo celinaya xiriirka wadashaqayneed ee Golaha.
Haddaba, haddii Wasiirku ugu hoggaansami waayo xukunka Maxkamadda Sare muddo soddon maalmood gudaheed ah, wuxuu ku dhacayaa arrimaha soo socda: Tan koowaad, wuxuu si ulakac ah u diiday sarraynta sharciga, isaga oo u hoggaansami waayay xukun maxkamadeed oo kamadanbays ah; wuxuu ku dhacay denbi quursi iyo diidmo qayaxan oo uu kula kacay xukun maxkamadeed, iyada oo Madaxkamaddu awood u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin garsoor oo ay ka dhalan karaan ganaax iyo xarig, intaba. Tan labaad, wuxuu abuuray jewi sharcidarro iyo xiriirxumo dhex marta Garsoorka iyo Xukuumadda, maadaama uu isagu ka tirsan yahay Xukuumadda, waxaana la gudboon Ra’iisulwasaaraha in uu tallaabo degdeg ah ka qaado, si Xukuumaddu uga hortagto dhaqanka ka baxsan xayndaabka sharciyada dalka.
Sidaas daraadeed, dhacdadan waxay iftiiminaysaa heerka uu gaaray ku xadgudubka sharcidarrada ah ee Wasiirka isaga oo markii hore ku dhiirraday go’aan sharcidarro ah, haddana u muuqda in uu quursanayo go’aan maxkamadeed oo sharci ah, maadaama uu weli sii shaqaynayo xoghayihii sharcidarrada ku magacownaa, Wasiirkuna uu mar kale ku celiyay magacaabista xoghayaha guud.
Ra’iisulwasaaraha XFS waxaa la gudboon in uu xakameeyo Wasiirkiisa ka tirsan Xukuumaddiisa isaga oo ku faraya in uu u hoggaansamo sharciga dalka ama ka qaado xilka wasiirnimo ee dastuuriga ah, xilkaas oo markii horaba lagu bixiyay awood uu sharciga dalku bixiyay, ayna waajib tahay in xilkaasi uu ku shaqeeyo oo keliya qof masuul ah oo u hoggaansan xeerarka dalka iyo hay’adaha garsoorka ee ay ugu horreeyaan maxkamadaha heerarkooda kala geddisan.