Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwadda loo haysto saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dilkii hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo carruurteedii yar-yaraa, kuwaas oo dhowaan lagu diley gobolka Galgaduud.
Ragga la horgeeyay maxkamadda ayaa lagu kala magacaabay Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen, iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi,Xeer Ilaalinta Galmudug ayaana soo bandhigtay caddaymo cusub oo la xiriira kiiska, kuwaas oo ay sheegeen in ay muujinayaan kaalinta eedeysaneyaasha ee dilkaas foosha xun.
Sidoo kale, qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta iyo dad goob-joogayaal ah ayaa maxkamadda horti ka marqaati furay, iyagoo sheegay in eedeysaneyaashu ay ahaayeen dadkii ugu dambeeyay ee lagu arkay hooyada iyo carruurteeda ka hor dilkooda.




From the comments