Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Shir-Sanadeedka 8-aad ee Garsoorka Dalka 2026, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda sare ee hay’adaha cadaaladda, garsoorayaal ka kala yimid gobollada dalka, iyo khubaro dhanka sharciga ah.
Shirkan oo sanadkan xambaarsan halku-dhigga muhiimka ah ee ah “Garsoor Awood Leh, Bulsho Aamin ah,” ayaa looga gol-leeyahay in lagu qiimeeyo horumarkii u dambeeyey ee laga gaaray nidaamka cadaaladda dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida ay bulshadu ku qabto garsoorka.
Halku-dhigga sanadkan ayaa xoogga saaraya in madax-bannaanida iyo xoojinta awoodda garsoorka ay saldhig u yihiin helidda bulsho nabad ku wada nool oo aaminsan sinnaanta sharciga.




From the comments