U bood dhigaalka

Garsoor Awood Leh iyo Bulsho Aamin ah: Shir-Sanadeedka 8-aad ee Garsoorka oo ka furmay Muqdisho

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Shir-Sanadeedka 8-aad ee Garsoorka Dalka 2026, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda sare ee hay’adaha cadaaladda, garsoorayaal ka kala yimid gobollada dalka, iyo khubaro dhanka sharciga ah.

Shirkan oo sanadkan xambaarsan halku-dhigga muhiimka ah ee ah “Garsoor Awood Leh, Bulsho Aamin ah,” ayaa looga gol-leeyahay in lagu qiimeeyo horumarkii u dambeeyey ee laga gaaray nidaamka cadaaladda dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida ay bulshadu ku qabto garsoorka.

​Halku-dhigga sanadkan ayaa xoogga saaraya in madax-bannaanida iyo xoojinta awoodda garsoorka ay saldhig u yihiin helidda bulsho nabad ku wada nool oo aaminsan sinnaanta sharciga.

Mas’uuliyiintii ka hadashay furitaanka ayaa carrabka ku adkeeyey in garsoor hufan oo awood leh uu yahay furaha horumarka iyo xasilloonida dalka, iyadoo mudada uu shirku socdo lagu lafaguri doono qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada cadaaladda si loo gaaro himilada ah bulsho hesha garsoor loo dhan yahay oo la aamini karo.