Dibad-baxayaal arday ah oo dalbanayay in la joojiyo kootada shaqooyinka dawladda
ee Bangladesh ayaa isugu soo baxa magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay dibadbaxayaasha iyo booliisku isku dheceen.
Ardayda ayaa ka caraysan shaqo la’aanta dhalinyarada oo aad u sarreysa , iyada oo ku dhawaad 32 milyan oo qof ay shaqo la’aan yihiin, waxayna dowladda ku cadaadinayaaj in la baabi’iyo kootada boqolkiiba 30-da ah ee loogu talagalay qoysaska halyeeyadii dagaalkii xornimada 1971, islamarkaana shaqooyinka iyo adeegyada dowliga ah laga dhigo kuwo loo simanyahay.
“Waan sii wadi doonaa qorshayaashayada, dhammaan xarumuhuna way xirnaan doonaan,” ayuu yiri isku duwaha mudaaharaadayaasha oo lagu magacaabo Nahid Islam, kaas oo la hadlay Warbaahinta.




From the comments