U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Daahfuray Tallaalka Caruurta

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa daahfuray ololaha Talaalka caruurtii aan helin dhamaystiraka Talalka joogtada ah sanadahii lasoo dhaafay.

Ololahan cusub ayaa ujeedkiisu tahay kor u qaadista tirada carruurta ka yar shanta sano ee loo dhamaystiray Talaalka joogtada ah ee lagaga hortagayo xanuunada ku dhaca caruurta.

Daahfurka ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ismaciil Garas, howl-wadeennada Wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta la ah oo ay kamid yihiin hay’ada Cafimaadka Aduunka ee (WHO) iyo hay’ada caruurta aduunka ee (UNICEF).