Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka, waxaana kulanka uu ka dhacay hoyga Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo maanta loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.
Kulanka oo sidoo kale lagu soo dhoweynayay wafdiga ka socday baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.
Guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa mudane. Joseph Ntakirutimana ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyay horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.




From the comments