U bood dhigaalka

Israel oo Shaacisay Iney Duqeyn Diyaaradeed Ku Dishay Hoggaamiyihii Milatariga Ururka Xamaas

Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa sheegay in taliyihii ugu sareeyay militariga Xamaas Mohammed Deif lagu dilay duqeyn ay ka geysteen marinka Qasa, maalmo ka hor oo ku beegan 13-kii bishii la soo dhaafay ee July.

Sheegashadan oo dhinaca Israa’iil ku kooban ayaanay ka hadlin ururka xamaas, waxayna ku soo beegmaysaa maalin ka dib markii magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan lagu dilay madixii xaafiiska siyaasadda ururkaas Ismaaciil haniyah oo lagu beegsaday guri uu ku sugnaa.

Mohammed Deif ayaa kamida xubnaha ay Israa’iil aadka u doon doonayso, islamarkaana laf-dhabarka u ah halganka wax iska caabinta ah ee kooxaha reer Falastiin, illaa haddana lama hubo in sheegashada tell Aviv ay run tahay iyo in ay tahay qorshe ay dagaalamayaasha xamaas ku niyad-jabinayso, maadaama saacado ka hor hoggaamiye muhiim ah laga diley.