U bood dhigaalka

Qaar Kamid ah Ururada iyo Dowladdaha Islaamka oo Cambaareeyay Weerarkii Ka Dhacay Liido

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa cambaareysay weerarkii argagaxiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, weerarkaan ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof.

Bayaan ay soo saartay, ayay ku sheegtay in Boqortooyadu ay xaqiijinayso mowqifkeeda ku aaddan diidmada rabshadaha, xagjirnimada, iyo beegsiga dadka rayidka ah.

Boqortooyada ayaa sidoo kale cadeysay in ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhacdadan, sida ay sheegtay SPA.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Boqortooyadu ay tacsi tiiraanyo leh u direyso ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo kuwii ku dhaawacmayna ay u rajeyneyso caafimaad degdeg ah.

Sidoo kale qaar ka mid ah dowladda islaamka, ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururada isku tagga Muslimiinta ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkaan.