U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaalada oo Muqdisho Ka Furay Shir Wadatashi ah oo Ku Saabsan Arrimaha Dastuurka

Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin ayaa daahfuray shir wadatashi ah oo Wasaaarada cadaalada iyo Arrimaha dastuurku la yeelaneyso Hay’adaha dowladda, kaas oo ku saabsan wax ka badalka cutubyada 5-aad iyo 9-aad ee dib u eegista dastuurka.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’antahay sii wadista wax ka badel dastuurka dalku, si loo dhamaystiro, islamarkaana uu u noqdo mid rasmi ah oo ka baxay ku meelgaarnimada uu mudada dheer ku jiray, asagoo u mahadceliyay guddiyada ku howlan arrimaha dastuurka oo uu ku ammaanay waxqabadkooda.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa wax ka badel 5 cutub oo dastuurka dalka kamid, kuwaas oo kala ah 5-aad iyo ilaa 9-aad, waxayna xukuumadda Soomaaliya bilo ka hor dib u eegis iyo dhammaysir ku samaysay 4 cutub oo kale, kuwaas oo baarlamaanku ay cod aqbaliyad leh ku ansixiyayeen.