U bood dhigaalka

Guddoomiye ku xegeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Guddiga joogtada ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa sideedaad ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha golaha shacabka gaar ahaan shaqooyinkii ugu dambeeyay ee qabsoomay ,howlaha baaxada leh ee golaha horyaala iyo sido ay muhiim u tahay in goluhu dardargeliyo waajibaadka qaran ee ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday ajendayasha golaha ee todobaadka soo socda iyo ay sida horutebinta u kala leeyihiin,waxa ay ugu dameyn isku raaceen in la xoojiyo shaqada golaha shacabka si uu goluhu uga howlgalo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee Dalka.