U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo xaafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safaaradda Shiinaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda.

Ugu horeyn Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay salaan uu kaga waday dhigiisa dalka Shiinaha ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa ,isaga oo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Soomaaliya safiir ka noqdo sidoo kalena ay tahay markii ugu horeysay oo dal Afrika ku yaala uu safiir ka noqdo.

Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan diyaarna ay u yihiin taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha uga mahadceliyay taageerada dhincyada kala duwan leh ee ay mar walba siiyaan Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir qotodheer oo dhinacyo badan ah.