U bood dhigaalka

Maxaad ka ogtahay sida ay maxkamadaha dalku u shaqeeyaan?

Garsoorka wuxuu bixiyaa mid kamida adeegyada ugu muhiimsan ee udub-dhaxaadka u ah nolosha dadweynaha iyo xasilloonida dalka, waxaana si maalinle ah adeeg garsoorid ah ugu doonta boqolaal qof oo qaba dacwado madani iyo ciqaab adagba isugu jira.

Fulinta adeegga garsoorka ayaa waxaa u xilsaaran maxkamadaha oo u kala baxa kuwo rayid ah iyo militari oo loo yaqaanno ( maxkamadaha ciidamada qababka sida), kuwaas oo leh derojooyin kala sarreeya.

Dacwadaha ay maxkamadaha rayidka ahi qaadaan ayaa isugu jira laba nooc oo kala dacwad madani ah, taas oo ah dooda iyo khilaafaadka ku saabsan lahaanshaha hantida sida dhulalka, gaadiidka, xuquuqda hal-abuurka ( Copyright), arrimaha bulshada sida dhaxalka, guurka iyo wixii lamid ah.

Qeybta labaad ee kiisaska maxkamadaha ayaa ayaguna ah dacwadaha ku saabsan dambiyada sida dilalka , dhaca hantida, musuqmaasuqa, xadgudubyada dhinaca jinsiga ah iyo wixii lamid ah, waxayna Leeyihiin heerar kala duwan oo ku xiran sida ay dembiyada ama dacwaduhu u kala culusyihiin.

Tusaale haddii laysku haysto dacwad madani ah oo uu ka dhalan karo ganaax ka yar $ 3000 , ama faldembiyeed Cinqaabtiisu ay ka hoosayso 3 sano oo xarig ah waxaa qaadista galdacwadeedkaas awood u leh maxkamad degmo, wixii intaas ka badanna waxaa ku shaqa leh maxkamad gobol, taas oo qaadaysa wixii ka yar 10 sano oo xarig ah ama  ganaax ka badan$ 3000

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ayaduna  qaada dacwadaha ka baxsan awoodaha maxkamadaha gobolka iyo degmada ama racfaan ahaan loogu soo qaado, haddii ay oggolaadaan.

Maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa ayaguna intooda badan waxa ay qaadaan dacwadaha la xariira ciidamada iyo dembiyada ay geystaan kooxaha argagixisadu.

Lasa soco qeybta labaad ee xogta garsoorka dalka.