U bood dhigaalka

Muhiimadda fursad siinta garsoorka

Garsoorku waa hannaan lagu kala saaro dulmanaha iyo dembiilaha, cidda gar leh iyo cidda gardarrada ku socata, qofka xoolaha iska leh iyo midka xoogga ama xeeladda uga boobaya, iyo guud ahaan ismaan-dhaaf kasta oo dadweynaha ka dhex aloosma.

Maadaama garsoorku yahay adeegga dadka is haysta u gar-naqaya, islamarkaana cid waliba waxa ay mudantahay u sugaya oo qumanaha iyo qaldanaha kala saaraya waxaa muhiim ah in fursad uu howlihiisa ku gudan karo la siiyo.

Dulucda haddii aan kuu soo dhoweeyo fal-dembiyeedyada iyo xiisadaha bulshada ka dhex aloosma laamaha garsoorka lagu simo intaan tillaabo kale la qaadin ama dhibka dhacay mid kale looga jawaabin.

Tusaale haddii uu tuug guri u soo dhaco oo intaanu waxba qaadan ay gacanta ku dhigaan reerkii guriga iska lahaa waxaa wanaagsan in bahda garsoorka lagu wareejiyo intaan la jirdil oo dhibaato loo geysan, balse haddii la garaaca oo dhaawac ama jug culus la gaarsiiyo waxaa xadgudub asaga qudhiisa lagula kacay oo laga yaabo inuu ka saamayn bato kii uu geystay.

Si kastaba ha ahaatee falcelinta dembiyada dalka ka dhacaahi waxay u badantahay gef gef lagu saxay oo ah in cid wax laga tabanayo ama eedeysanaha laysku dayo in laga aargoosto oo la cinqaabo ama xoog iyo xeelad middii fudud lagu wajaho, markii lagu daalo oo laga quusto ka dibna garsoorka lagu dacaweeyo, taasina waa mid howl gudashada garsoorka lid ku ah.

Falcelinta ugu wanaagsan ee dembiyada iyo is qab-qabsiyada halista keeni kara ayaa ah in laamaha ammaanka lagu wargeliyo, wixii marqaati iyo caddayn kale ahna la diyaarsado si ay ka salgaaridda faldembiyeedka ama khilaafku u fududato.