U bood dhigaalka

AKHRISO: Afar qodob oo laga soo saaray Shirka Gaalkacyo uga socda Puntland iyo Galmudug

Sheeko:War

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa xalay kulan labo geesood ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo, iyadoo shirkaan lagu lafa-guray qodobbo muhiim ah.

Shirka oo ay hadallo ka jeediyeen Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie iyo dhiggiisa Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa la iskula soo qaaday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga, nabadeynta iyo horumarka gobolka Mudug.

Shirkan ayaa ugu horreyn dib-loogu milicsaday heshiiskii iskaashiga ee labada Dowladdood, guulaha laga gaaray, caqabadaha iyo fursadaha. lyadoo, Shirkaan loogu gogol-xaarey shirweynaha dardargelinta dedaallada nabadeynta Gobolka Mudug.

Labada Dowladood ayaa isla gaaray:

  1. Xoojinta iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug.
  2. Qabashada kulammo heer Wasiirro ah oo saddex biloodle ah, si loo xaqiijiyo miro dhalka dedaalladii socdey.
  3. In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaannada ay colaaduhu saameeyeen si bulshadu u soo kabato.
  4. In laba Dowladood ay si wada jira ah daraasad midaysan uga sameeyaan maareynta biya-saarista degmada Gaalkacyo.