Goobjoog

Maraakiib dagaal iyo doonyo kalluumeysi oo Turki ah oo kusoo wajahan xeebaha Soomaaliya

MUQDISHO – Maraakiib dagaal iyo doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gaaray magaalada Jabuuti, iyadoo la filayo inay u soo gudbaan magaalada Muqdisho, xilli Soomaaliya iyo Turkigu ay…

Maraakiib dagaal iyo doonyo kalluumeysi oo Turki ah oo kusoo wajahan xeebaha Soomaaliya

MUQDISHO – Maraakiib dagaal iyo doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gaaray magaalada Jabuuti, iyadoo la filayo inay u soo gudbaan magaalada Muqdisho, xilli Soomaaliya iyo Turkigu ay isu diyaarinayaan hirgelinta heshiis iskaashi oo la xiriira kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga khayraadka badda Soomaaliya.

Heshiiska iskaashiga ayaa dhigaya in shirkadda wadajirka ah ee SOMTURK ay door muhiim ah ku yeelato maamulka kalluumeysiga Soomaaliya, bixinta rukhsadaha maraakiibta shisheeye iyo ilaalinta khayraadka badda.

Mashruucan ayaa la saadaalinayaa inuu Soomaaliya u soo xareyn karo dakhli gaaraya illaa hal bilyan oo dollar sannadkii, hase yeeshee faahfaahinta rasmiga ah ee ku saabsan habka loo maamulayo, qaabka dakhliga loo qeybsanayo iyo waqtiga uu si buuxda u dhaqan-gelayo ayaan weli si cad loo shaacin.

Hirgelinta heshiiskan ayaa imaneysa iyadoo Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, balse kalluumeysigeeda uu weli wajahayo caqabado la xiriira kalluumeysiga sharci-darrada ah, awoodda ilaalinta badda iyo ka faa’iideysiga dhaqaale ee khayraadka badda.

Imaatinka maraakiibtan ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo kale oo muujinaysa iskaashiga sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga badda iyo dhaqaalaha.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments