Beledweyne – Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan, kaddib markii uu sheegay inuu isku fahmi waayay madaxda sare ee Hirshabeelle habka loo wajahayo tabashooyinka iyo cabashooyinka bulshada reer Hiiraan.
Muuse Salaad ayaa warqad uu u diray Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ku sheegay in go’aankiisa is-casilaadeed uu ka dhashay kala aragti duwanaansho ku saabsan xal u helidda tabashooyinka bulshada reer Hiiraan.
Guddoomiyihii hore ayaa sheegay in isaga oo xilka haya uu aaminsanaa inaan tabashooyinka shacabka lagu wajihi karin awood, xoog iyo maquunin, balse loo baahan yahay dhegeysi dhab ah, wada-hadal daacad ah, garowsi iyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu qancinayo bulshada cabashada qabta.




From the comments