Goobjoog

SOOMAALIYA IYO BANGIGA BSIC OO KA WADA HADLAY XOOJINTA ISKAASHIGA MAALIYADEED IYO MAALGASHIGA

Tripoli, Liibiya – 8 Nofeembar 2026: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Tripoli kulan kula yeeshay Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Guud ee Bangiga Maalgashiga…

SOOMAALIYA IYO BANGIGA BSIC OO KA WADA HADLAY XOOJINTA ISKAASHIGA MAALIYADEED IYO MAALGASHIGA

Tripoli, Liibiya – 8 Nofeembar 2026: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Tripoli kulan kula yeeshay Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Guud ee Bangiga Maalgashiga iyo Ganacsiga Saaxil-Saxaraha (BSIC), Dr. Axmed Cumar Al-Haadi (Al-Tarhouni).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa iskaashi shaqo oo dhex mara bangiga BSIC iyo bangiyada Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka hay’adaha maaliyadeed ee labada dhinac.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee bangiga BSIC ka fuliyo dalal kala duwan oo qaaradda Afrika ah.

Wadahadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ku dooneyso xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga maaliyadeed ee dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo helo fursado cusub oo maalgashi iyo horumar dhaqaale.

Bangiga BSIC waa hay’ad maaliyadeed oo ka tirsan Bulshada Dalalka Saaxil-Saxaraha (CEN-SAD), waxaana uu ka shaqeeyaa arrimaha maalgashiga iyo ganacsiga.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments