Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii afaraad ka socdo xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya,iyadoo ay madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga doodayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.
Kulamadii maanta ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey gudiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha.
Inkastoo Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe uu qaatay fasax ku aadan ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle balse waxa uu ku soo biiri doonaa kulamada berrito lagu balansan yahay.



From the comments