Dib u dhac ku yimid Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu waday in uu furmo maalinta berri ah

Iyada oo la tixgelinayo muhiimadda weyn ee toddobaadka Xorriyadda Soomaaliyeed iyo u diyaar-garowga munaasabadaha lagu xusayo halgankii gobonimo-doonka, waxaa dib loo dhigay qabsoomidda Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horey loogu qorsheeyay in uu dhaco 22-ka Juun 2025.
Shirkan muhiimka ah oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib loogu riixay taariikhda 15-ka Luuliyo 2025, si loo siiyo mudnaanta munaasabadaha Xorriyadda oo xambaarsan taariikh qaran oo aan la hilmaami karin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wadatashiga qaran ee ku saleysan maslaxadda guud, midnimada dalka, iyo dardargelinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.
Dib-u-dhigista shirka waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ka qeybgalaya in ay si buuxda uga qeybgalaan iyaga oo ku jira xaalad diyaar-garow siyaasadeed iyo mid bulsho.
Waxaa la rajeynayaa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhici doona 15-ka Luuliyo uu noqdo mid miro-dhal ah oo xal u horseeda arrimaha horyaalla dalka, gaar ahaan dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo xoojinta nidaamka federaalka.